Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac uu maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

“Guddoomiyaha oo booqasho shaqo ku yimid dalka ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya waxaana dowladdu sheegtay in uu Kulamo la yeelan doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse.

PUNTLAND POST