Ciidamada Milatariga Suudaan oo guud ahaan burburiyay xoogagii RSF

Milatariga Suudaan, ayaa guud ahaan xaqiijiyay guushoodii ugu sarreysay ee dagaalka muddada labada sanno ah socda oo ay ka gaarayaan  gudaha caasimadda khartuum, kaddib markii ay la wareegeen xarumaha ay u adeegsanayeen saldhigyada difaac , ciidanka kooxda RSF.

Duullaan xooggan oo labadii maalin ee u dambeysay si joogta ah uga socday xarunta madaxtooyadda Suudaan ee ku taal caasimadda Khartuum ayaa si rasmi ah milatariga waxay ku gaareen inay la wareegaan xaruntaa oo sidoo kale u shaqeynaysay saldhig difaac oo muhiim u ah RSF. 

Afhayeenka ciidamada milatariga Suudaan Sarreeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa sheegay in ciidamada milatariga  ay burburiyeen askartii iyo agabkii RSF, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah qalabkii iyo hubkii ay wateen, isagoo ku nuux-nuux saday, “Dagaalka wuu soconaya  illaa guusha laga gaarayo iyadoo la nadiifinayo taako kasta oo dalka ah.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay RSF, waxay dhankooda ku sheegeen inuusan dagaalka dhammaan oo ay ku suganyihiin goobo aan ka fogeyn madaxtooyadda Suudaan, balse muuqaallada la arkay waa in loo diidday hal dagaallame oo ka tirsan RSF inuu ku socdo meel ku dhow xarunta madaxtooyadda iyo goobaha ay la wareegeen milatariga Suudaan.

PUNTLAND POST