Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 82 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo 
Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay 82 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab ku dishay ilaa lix duqeymood, oo ay ka fullisay nawaaxiga degaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeymaha oo ilaa iyo xalay soo gaaray ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, ay heleen xogta koox ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga degaanka Sabiid iyo Caanoole, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay NISA, waxaana Hay’addu ku wargelisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaasi Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo 
Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgallo duqeyn ah oo ilaa lix gaaraya ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa halkaas ku dilay 82 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Khawaariijta, halka 19 kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.”

“Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa iyo caawa soo gaaray ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole. Hay’adda NISA, waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Hay’adda NISA.

PUNTLAND POST