Puntland: Wejiga saddexaad ee dagaalka Calmiskaad wuxu dhammaan iidda Ramadaan ka hor

Hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Maxamed Aadan Jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor iidda bisha Ramadaan dhammaystirayaan wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka argagixisada Daacish.

“Hawlgalkii Hillaac ee Taliska guud uu qorsheeyay in lagu qaado ceelka Miiraale oo ah meeshii u danbaysay ee ay ku sii harsan yihiin firxadka argagixisada Daacish, waxa hawlgalkaasi u fulay dhammaan sidii loo qorsheeyay, ilaah baa mahadleh, dhammaan qorshe kasta oo la diyaariyay waa fulay.”

” Waxaa la burburiyay dhammaan difaacyadii ilaalada ee ku meersanaa ceelka Miiraale waxaana halkaasi ciidamadu ku dileen in ka badan 35 dagaallame oo ka tirsanaa argagixisada kaddibna waxaan kala wareegnay dhammaan Talisyadii ku wareegsanaa waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada difaaca dowladda Puntland” ayuu yiri S/Guuto Maxamed Degelle.

“Hawlgalkii wejiga saddexaad baa socda oo hadda geba-gebo ah, waxaa noo qorshaysan ilaahay idankii intaan iidda la gaarin in aan dhammaan sifayno meel kasta oo ay ku dhuumanayan firxadkooda, waxaan rajaynayaa in iidda ka hor aan dhammaystirno wejiga saddexaad ee hawlgalka” ayuu sii raaciyay hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Degelle.

PUNTLAND POST