Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku laabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada dhexe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah.

Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada degaanka, si loo sii amba-qaado dagaalka argagixisada, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka.

PUNTLAND POST