
Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ay ka sameeyay nawaaxiga togga Miiraale ayaa halkaasi ku diley in ka badan 23 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale.
“Miiraale – Ciidanku waxay hawlgal ay ka sameeyeen Togga Miiraale 48-dii saac ee u danbeysay ay ku dileen in ka badan 23 Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. Sidoo kale waxay Ciidanku waxay hawlgalo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle” ayuu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.
Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ugaarsanaya firxadka Argagixisada Daacish ayaa sidoo kale hawlgalo ka sameeyay degaannada Buurta goob, Dhaban Qoxle, Ceel ka bire, Buurta gaba gabo iyo Buurta shinuurka ee Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari waxaana ay halkaaasi ku burburiyeen talisyo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish, halkaasi oo ay ka heleen saad iyo agabyo kala duwan oo ay ka carareen Argagixisadu.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.