
Garoowe (Wararka PP) — Maalgashiga Imaaraatka Carabtu ku sameeyay dekadaha Berbera iyo Boosaaso ayaa bannaanka soo dhigay danaha ganacsi is diiddan ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Qaar ka mid ah dalalka deeqbixiyayaasha gaar ahaan Biritayn, oo Dekedda Berbera gelisay in ka badan 200 milyan oo doollar, ayaa ku cadaadinaya maamulka ku meel gaarka ee SSCK inuu furo isu socodka iyo kala ganacsiga, kaddibna maxaabiista dagaalka Laascaanood la isweydaarsado.
Ganacsadata dhulka maamulka Somaliland ka taliyo oo ay colaaddu si ba’an u saamaysay ganacsiyadooda, ayaa doonaya in heshiis lagu furo waddada. Heshiiska waxaa ka maqan maamulka Puntland oo ah maamulka dhulka ugu weyn oo ay ganacsatada iyo warshadaha yaryar u soo suuqgeyn jireen badeecadahooda.
Dagaalkii 2023kii ka qarxay Laascaanood wuxuu gebi ahaanba ka saaray meesha habkii maamulka Somaliland canshuurta uga qaadi jiray dhulka SSCK sidoo kalena u canshuuri jiray gaadiidka sida badeecadaha ka yimaada Puntland. Sida lagu xusay warbixin 2021kii uu Rift Valley Institute soo saaray, ganacsato badan oo Puntland ayaa u wareegay Berbera.
Dagaalkii Laascaanood iyo ololaha la dagaallanka Daacish wuxuu sare u qaaday muhiimadda dekadaha Boosaaso iyo Garacad, halka colaadda Sool ay joojisay isu socodkii ganacsatada maamullada Puntland iyo Somaliland.
Joojinta mashruucii Berbera Corridor, oo uu sababay heshiiskii Is afgarad uu maamulka Somaliland ku doonayay inuu bad kaga kireeyo Itoobiya, ayaa caqabad dhaqaale ku noqotay maamulka Somaliland. Itoobiya, oo doonaysa bad ay kaga maaranto ku tiirsanaanta dekedaha Jabuuti, way diidday inay Berbera ku tiirsanaato. Danaha dhaqaalaha Itoobiya iyo danaha dalalka dekedda Berbera maalgashaday ayaa iska hor yimid. Waa Imaaraadka dalka danahiisu aad ugu nugul yihiin xiisadaha amni ka taagan Geeska Afrika.
Imaaraatku wuxuu cadaadis saaray maamulka Puntland inkastoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan weli ka fekerin saameynta badeecada ganacsatada maamulka Somaliland doonayaan inay soo iibgeeyaan ku yeelan doonto ganacsatada Puntland oo badeecooyin ka soo dejiya dekadaha Puntland.
“Heshiis ganacsi oo dhexmara Puntland iyo Somaliland ma aha suurtaggal inta maamulka goosasho-doonka ahi sheeganayo dhul ka mid ah Puntland” ayuu yiri siyaasi ku sugan Garoowe oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.