
Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo koox ka tirsan mileeshiyaadka ISIL ayaa hadda ka socda afaafka laga galo togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin kooxdaasi.
Ciidamada difaaca Puntland oo saaka qaaday hawlgal qorshaysan ayaa duhurnimadii maanta u daatay godad ay ku dhuumanayeen argagixisada ISIL halka lagu magacaabo Isha-Tabakar oo dhacda afaafka togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 6 dagaallame oo dhammaantood ah ajaanibta firxadka mileeshiyaadka ISIL looga dilay dagaalka socda, halka dhinaca ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ka dhaawacmeen dhawr askari.
Xafiiska warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu hawlgal ka wadaan degaanka Isha-Tabakar ee togga Miiraale balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan.
“Ciidanku wuxuu maanta hawlgal ka wada deegaannada u dhow Togga Miiraale, meelaha hawlgalku ka socdo waxaa ka mid ah deegaanka Isha Tabakar” ayuu yiri xafiiska warfaafinta hawlgalka ciidamada ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.