Dagaal xalay dhexmaray Ciidamada Puntland iyo mileeshiyaad ka tirsan dagaallamayaasha Daacish

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo firxadka dagaallamayaasha argagixisada ISIL ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari halkaasi oo uu dhawaanahan ka socday hawlgal ka dhan ah firxadka kooxdaasi.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay dagaalkaasi xalay ku dileen mileeshiyaad firxad ah oo isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku sameeyaan ciidamada balse kooxdaasi weerarka soo qaaday badankooda la dilay islamarkaana laga furtay qoryaha fudud.

Ciidamada oo hawlgalka sii wada ayaa saaka weli ku raad-jooga intii xalay ka fiigtay firxadka argagixisada ISIL ee baxsadka ah waxaana la filayaa in saraakiisha ciidamada hoggaaminaysa saacadaha soo socda faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii xalay ee lagu dilay mileeshiyaadka argagixisada.

PUNTLAND POST