
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu maanta qaabiley ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Puntland.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.
“Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya” ayay sii raacisay madaxtooyada Puntland.
Halkan ka eeg Sawirada Kulanka








PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.