
Garoowe (Faallo PP) — Hal sano ayaa u dhammaaday muddo xileedkiisa labaad. Muddo xileedkiisii kowaad wuxuu la kulmay cadaadisyo siyaasadeed kaga imanayay labadii xukuumadood isku xigay ee dowladda federaalka (2017-2022 iyo 2022- ilaa hadda) iyo dagaallo (dagaalkii Laascaaood ee 2023, iyo dagaalka 2025 ee Daacish). Wuu og yahay in awoodda siyaasadeed tahay ku meelgaar.
Maamullo federaal ayaa ka faa’iiday hirgelintii wajigii kowaad ee federaalka (Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubalad, iyo Banaadir). Punland siyaasad ahaan waxay ahayd qeybshe, hase ahaatee waxay noqotay qade. Maahmaahdii reer Mudug “Qeybshe qad ama …”
Guuldarradii uu Deni kala kulmay doorashadii 2022kii waxay indhihiisa u soo jeedisay ka shaqaynta danaha Puntland. Isku daygiisii inuu dardergeliyo samaynta xisbiyo wuu ku guuleystay hase ahaatee wuxuu Puntland geliyay halis dagaal. Ka hor inta aysan odayaasha SSCK bishii Diseembar 2023kii soo jeedanin in habkii 66 lagu soo doorto madaxweyne Puntland doorashadii dhacday 2024kii, cabsi weyn ayaa jirtay in colaad ka qarxi doontay Garoowe. Dad badan ayaa magaalada ka qaxay. Madaxweyne Deni wuu aqbalay soo jeedintii odayaasha SSCK isagoo aysan u muuqanin halista colaadeed dul heehaabaysay Puntland. Ciidammo beeleedyo iyo hay’ado amni oo ka madaxbannaan marna la laalloomayay maamulkiisa ayaa ka jiray Puntland.
Waxaa fiicnaan lahayd in Madaxweyne Deni wax ka barto habkii marxuum Cabdullaahi Yuusuf u maareyn jiray loollammada siyaasadeed u nugleyn karay Puntland burbur. Waxyaabaha Madaxweyne Deni lagu eedeeyo waxaa ka mid ah inuu u arko xisbiyada siyaasadda Puntland aalado siyaasadeed. Awoodda siyaasadeed gacanta ugu wada jirta iyo madaxbannaani la’aanta hantidhowrka Puntland ayaa sababaya in saamileyda siyaasadda Puntland qaarkood ay fikraddaas ka qabaan maamulka Deni.

Sidee Deni u dhowri karaa guulaha maamulkiisu ka gaaray la dagaallanka Daacish? Daacish waxay ka faa’iidaysatay habacsanaanta maamullo isku xigay ee Puntland iyo loollanka hay’adaha amniga oo qaarkood ka madaxbannaanaa maamulka Puntland. Sababo waa suurtaggal inay jiraan. Lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumeysiga uu maamulka Puntland bixiyo ma aha kuwo ku soo xerooda qasnadda maamulka. Jeebabka siyaasiyiin ayay lacagahaasi ku dhacaan. Dib u dhac weyn ayaa ka jira degmooyinka ku yaalla xeebaha Puntland oo ka qatan lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumeysiga. Taas waxaa dheer, in Guddiga Maamulka Maaliyadda uu faray Puntland inay habkeeda bixinta shatiyada kalluumeysiga waafajiso habka ay raacaan maamullada kale ee xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arriimmaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), oo mar u qareema hab loo fasirto in Waqooyi iyo Koonfur loo wada hadlo, habka loo yaqaanno Konfederaal (confederal system), wuxuu 2019kii sheegay in Punrland tahay ‘Federaal Ka Horreyn’ (pre-federal) markii maamulkii Madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu Puntland ku cadaadiyo in manhajka Puntland la mid noqdo kan dowladda federaalku dejisay. Puntland ayaa 2012kii go’aamisay sida hadda Soomaali wax loogu qeybiyo iyo in Somaliland si gaar ah wax loo siiyo oo loola dhaqmo sida dal gaar ah. Deni 2023kii wuxuu soo jeediyay in Somaliland si dhab ah uga mid noqoto Golaha Wadatashiga Qaranka, inta taas ay dhacaysana Puntland ay bannaanka ka taagnaanayso ka qeybgalka shirarka ay Madaxtooyada Soomaaliya u abaabusho dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkaas wuu buriyay Deni sanadki hore markuu ku eedeeyay Villa Somalia inay fogeynayso Somaliland.
Dhowaan dowladda federaalka Soomaliya waxay qaadatay go’aan ah inaysan maamulka Somaliland wadahadal la gelaynin inta uu sheeganayo inuu dal madaxbannaan yahay. Madaxweyne Deni miyuu mowqifkaas u arkaa mid lagu fogeynayo maamulka Somaliland? Siyaasiyiinta ka horjeeda Deni waxay ku eedeeyeen isaga inuu burburiyay xiriirkii Puntland iyo Jubaland ka dhexeeyey kaddib markuu ku tilmaamay Ra’iisal Wasaare Xamse “xoghayn”. Mabdi’ii hoos ka soo dhisidda (bottom-up) oo sal u ahaa dhisidda Puntland wuxuu ku salaysnaa samaynta isbahaysi siyaasadeed oo iska kaashan kara dib u dhisidda qarannimada Soomaaliya. Way fiicnaan lahayd in Madaxweyne Deni dib u eego mabda’aas isagoo aan illoobayn halkudhigga asaaska u ah nolosha siyaasadda: nolosha siyaasadeed waxay ku dhammaataa guuldarro.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.