
Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal ayaa saaka oo Sabti ah la hor-keenay saddex eedaysane loo haysto kiis ku saabsan mooral-siin iyo taageeridda kooxo argagixiso.
Saddexda eedaysane oo kala ah; Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad, Fahad Maxamed Abshir iyo Caamir Cabdi Muuse ayaa la hor-keenay fadhigii maxkamadda ee saaka, kaddib markii xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee (Sool&Nugaal) ku soo eedaysay eed ku saabsan in ay mooral iyo taageero siinayeen kooxaha Argagixisada ah.
Garsooraha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal, Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa fadhiga maxkamadda ee saaka ka sheegay in aysan wax danbi ah ku helin saddexda eedaysane, maadaama maxkamaddu maalmo ka hor dhegeysatay eedda loo haysto, islamarkaana wax caddayn ah loo waayay.
Garsooraha ayaa sidoo kale go’aan ka soo saaray kiiska saddexda eedaysane, waxaana uu amray in dib xorriyadooda loogu celiyo, balse intaasi kaddib waxa hadalka qaaatay taliyaha waaxda danbi baarista gobolka Nugaal sidoo kalena ah xeer ilaaliyaha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka (Sool&Nugaal), Mahad Cabdi Falow, waxaana uu sheegay in uu go’aanka soo baxay rafcaan uga qaatay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.