Dowladda Puntland oo digniin amni ka soo saartay dhaq dhaqaaqa firxadka ISIL oo ku milmaya dadweynaha

Digniin kooban oo ka soo baxday Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ugu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ay taxaddar ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka dagaallamayaasha ISIL ee baxsadka ah, kuwaasi oo isku dayay in ay bulshada ku soo dhex dhuuntaan.

“Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayuu yiri Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo digniin kooban ka soo saaray dhaq dhaqaaqa firxadka argagixisada ISIL ee baxsadka ah.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo dadweynaha la wadaagay number gaaban(999) ayaa ka dalbaday in ay ku soo gudbiyaan xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqa kasta oo laga shakiyo, si aysan firxadka argagixisada ee baxsadka ah ugu dhex dhuuman shacabka, waxaana uu Boolisku codsaday in mas’uuliyad wadareed la iska saaro sugidda ammaanka guud.

PUNTLAND POST