Ciidamada Puntland oo maanta gacanta ku dhigay keydadkii hubka, gaadiidka iyo saadka ee Argagixisada Daacish

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad ayaa dagaallamayaasha Argagixisada Daacish ka saaray dhawr talis, oo ay ku keydsan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiid, mootooyin iyo sahay ciidan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada Puntland ee PMPF ayay ku sheegeen in ay argagixisada Daacish ka saareen talisyadii  Godmadow, Lugta Laaska Wehelle iyo Isha Dharabato oo dhammaantood ka tirsan togga Jeceel, islamarkaana halkaasi ku dileen laba miinayste oo kamid ah dagaallamayaasha kooxdaasi.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgallo qorshaysan maanta fuliyey ayaa ku diley laba Miinayste oo ka tirsan khawaariijta Daacish, iyagoona la wareegey Talisyada Godmadow ee Curaar, Lugta Laasku Wehelle iyo Isha Dharabato oo ka tirsan togga Jaceel” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka PMPF.

Ciidamada ayaa sidoo kale mileeshiyaadka Daacish ka furtay gaari Iska-rogo ah, gaari yar oo ay furfureen, hubka noocyaddiisa kala duwan, Mootooyin, saad, sahay iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay dhammaantood aaseen, balse ciidamaddu ay fashiliyeen, sida uu xaqiijiyay Warsaxaafadeedka PMPF.

PUNTLAND POST