Koox hubaysan oo xalay jartay Xargaha Internet-ka Shirkadda GOLIS ee degmada Buurtinle

Koox hubaysan oo degaanka u dhashay ayaa fiidnimadii xalay jartay xargaha Internet-ka shirkadda Isgaarsiinta GOLIS ee degmada Buurtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Warar hordhac ah oo ku saabsan dhacdadaasi ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo ka gadoodsan tabashooyin maxalli ah in ay jartay xargaha Internet-ka shirkadda GOLIS ee degmada Buurtinle, kuwaasi oo adeegga Interntetka siin jiray degaanno ka tirsan Mudug iyo Nugaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in jarista xargaha Internet-ka ee degmada Buurtinle ay saamayn ku yeelatay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Mudug, kaddib markii uu ka go’ay adeegga Internet-ka ee shirkaddaasi oo ah tan ugu weyn ee adeegyada Isgaarsiinta siisa degaannada Puntland.

Waa markii labaad oo dabley hubaysani jarto xargaha Internet-ka shirkadda Isgaarsinta GOLIS oo sida la sheegayo dhibbane u noqotay khilaaf maxalli ah oo ka taagan degmada Buurtinle, balse aan khusayn shaqooyinka shirkaddaasi ka hayso degaanka.

PUNTLAND POST