Waa inay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cabdirisaaq Khaliif si cad u beeniyaan sheegashada Maxamuud Xaashi iyo Boqor Madow in Habarjeclo degto Buqdharkayn

Laascanood (Faallo) — Tuulada Buqdharkayn oo ka tirsan Togdheer waa tuulo ay degto beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahnate. Waxaa sheeganaya beesha reer Cumar iyo reer Yoonis oo ka wada tirsan beesha Habarjeclo. Waxay ku doodayaan in Caagle Mahad Cambashe uu u siiyay iyaga tuulada. Waxay kale oo ku doodayaan in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Cabdirisaaq Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ay wax ka og yihiin tallaabada Buqdharkayn lagu siiyay beelo kale.
Markii ciidammada iyo miliishiyaadka maamulka Somaliland lagu jebiyay dagaalkii Goojacadde dadkii joogay Buqdharkayn, oo aan badnayn, way ka carareen tuulada. Way ogaayeen in ciidammada SSCK iyo Puntland iman doonaan Buqdharkayn. Waxaa xusid mudan in Caagle Mahad Cambaashe u qaabbilsanaaa goosasho-doonka u ilaalinta sahaydii soo maraysay Yagoori intii dagaalku socday halka Faratoon, oo sheegta guddooomiyaha barlamaanka Somaliland, uu taageersanaa duqeyntii Laascaanood lagu hayay 2023kii. Faratoon waa laga reebay dambiilayaasha waayo wuxuu taageeray weerarkii Xeradii Guulwadayaashii 2023kii lagu dilay Ina Ashkir, laguna sigay Mahad Cambaashe.


Cabdirisaaq Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaaad Ismaaciil si cad ayay uga soo horjeesteen goosasho-doonka 2023kii. Bishii Sebteemnar 2023kii Garaad Jaamac Garaad Ismaciil wuxuu sheegay in beesha Habarjeclco ay dusha saaran doonto wixii colaad ah oo reer SSCK uga yimaada mamulka Somaliland. “Iyaga ayaa la soo dhexmaraa” ayuu yiri. Muxuu hadda Garaadku uga aammusan yahay weerarkii miliishiyo beeleedka Somaliland iyo ciidanka Somaliland ku soo qaadeen Buqdharkayn toddobaadkii hore kaddib? Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuu goobo kala duduwan ka sheegay in maamulka Somaliland doonayo nabad. Waa hadal hoosaasin noqday.


Taas waxaa dheer, in xogta dhaqdhaqaaqa miliishiyada Somaliland ku saabsan Salinta, Ceerigaabo iyo Qorilugid, maalin kasta lala wadaagayay Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye), hoggaamiyaha maamulka SSCk, halka xogta ku saabsan Buqdharkayn aan lala wadaagin ka hor weerarkii Jimcihii hore (7/3/2025).

Taas waxaa ka daran in Madaxweynaha maamulka Somaliland Cadiraaxmaan Cirro uu ku eedeeyay SSCk iinay weerarka soo qaadday. Hadalkiisu wuu ka daran yahan beentii Muuse Biixi sheegay markii SSCK uu ku tilmaamay argaggixiso. Maanta in beesha Isaaq hay’adahooda siyaasaddu ku baaqeen dagaal wax qarsoon ma aha. Waxaa meel-ka-dhac iyo dibindaabyo ah in dadka SSCK nabad hoosaasin ah lagu maaweeliyo. Maxamud Xaashi, oo ah siyaasi reer Burco ah, wuu og yahay in Buqdharkayn aysan beeshiisu degin. Wuxuu ku doodayaa in tuulada la siiyay beeshiisa. Yaa siiyay? Goorma ayaa la siiyay? Horgale tuulo ma bixin karo. In maanta uusan jirin qof Dhulbahante ah oo u hadlaya hay’adaha goosasho-doonka ee beesha Isaaq ayaa caddeynaysa in sheegashada lahaanshaha Buqdharkayn ay been tahay. Waa inay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cabdirisaaq Khaliif si cad u beeniyaan sheegashada Maxamuud Xaashi iyo Boqor Buurmadow. Waa sida keliya oo lagaga hortagi karo colaad baahda.
W.Q: Siciid M. Sheekh Cali
You must be logged in to post a comment.