Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo gaaray degaanka Shimbiraale ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa gaaray degaanka Shimbiraale ee degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay u tageen nabadaynta laba beelood oo ku dagaallamay miyiga degaankaasi.

Mas’uuliyiinta degaankaasi gaaray ayaa ka kooban Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Wasiru Dowlaha wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Siciid Maxamed Warsame (Awaare), Xildhibaan Caaqil Mursal Maxamud Cabdi, Wasiir Hore Cabdijamaal Maxamed Cismaan, guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag iyo  saraakiil ciidan.

Dhinaca kale, waxaa isla degaankaasi gaaray wefdi dhaqan oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire oo ka soo kicitimay degmada Badhan, waxaana mas’uuliyiinta dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee suldaanku u horreeyo soo dhaweeyay waxgaradka iyo cuqaasha degaanka Shimbiraale.

Odayaasha dhaqanka ee uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire iyo mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee uu horkacayo wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa ayaa degaankaasi Shimbiraale ka bilaabay shirar nabadeed oo lagu xallinayo colaad beeleed maalmo ka hor ka dhacday degaanno u dhaw Shimbiraale.

PUNTLAND POST