Madaxweyne Deni oo dhalinyarada Puntland ugu baaqay in ay sirdoon qarsoon u noqdaan dowladda

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay kulan xalay ka qabsoomay magaalada Boosaaso ayaa dhammaan dhalinyarada Puntland ugu baaqay in ay noqdaan sirdoon qarsoon oo si toos ah ugu xiran laamaha Ammaanka ee dowladda.

Madaxweyne Deni oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xamaasadda iyo dareenka dhalinyarada Puntland ee shidaalka u noqday halganka cirib-tirka Argagixisada Daacish ayaa dhalinyarada ku boorriyay in ay si toos ah ula shaqeeyaan laamaha Ammaanka, islamarkaana qof walba xogtii uu hayo u gudbiyo ciidamada.

“Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay xamaasadda iyo dareenka dhalinyarada. Waxaa noo dhiman in dhalinyaradu laamaha Amniga toos ula shaqayso. Nin walba nin xun buu yaqaan waa in sida hadda dhacday cid kasta waxay ogtahay soo sheegto” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni oo la hadlayay dhalinyarada Boosaaso.

Si gaar ah wuxu ugu mahadceliyay gabdhaha oo uu sheegay in ay xogaha ugu badan u soo gudbiyaan dowladda”waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa khaasatan gabdhaha oo hadday arkaan nin si xun u soconaya in ay laamaha Amniga u soo sheegeen kii wax yar is qalloociya. Waxa nagu soo dhaca xogaha ugu badan gabdhahaa na siiya” ayuu sii raaciyay Deni.

PUNTLAND POST