
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaannada Lugta Huraanhur iyo togga RAQRAQ ee buuraha Calmiskaad ayaa shaaciyay in ay hawlgalkaasi ku dileen sarkaalkii argagixisada ISIS u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha yaryar ee qaraxyada xambaara (drones) iyo qaraxyada miinooyinka.
Taliska ciidamada PMPF ee dowladda Puntland oo warbixin kooban soo saaray ayaa sheegay in madaxii drones-ka qaraxyada iyo hagidda miinooyinka ee argagixisada ISIS lagu dilay hawlgal qorshaysan oo maanta ciidamada difaaca Puntland ka sameeyeen degaannada Lugta Huraanhur iyo togga RAQRAQ ee buuraha Calmiskaad, halka ay ciidamadu hub iyo saanad ciidan ka qabsadeen dagaallamayaasha kooxdaasi.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo diley Madixii Daroonnada Qarxa iyo Miinooyinka ee khawaariijta Daacish, ka dib hawlgallo ay ka sameeyeen ciidamadu Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, kuwaas oo u ahaa Talisyo iyo fadhiisimo kooxaha abaabula dhagarta Qaraxyada ee Argagixisadaasi” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada PMPF ee Puntland.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan mileeshiyaadka dagaallamayaasha argagixisada ISIS lagu dhaawacay hawlgalkaasi”Ciidamada ayaa sidoo kale kooxdaasi ka dhaawacay sharwadayaal, iyagoona ka qabsaday hub iyo saanad kala duwan oo muhiim ah” ayuu sii raaciyay qoraalka uu soo saaray taliska ciidamada PMPF ee difaaca Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.