
Garoowe (Faallo PP) — Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu noqday hoggaamiye dhulka Puntland lagu asaasay dhammaantiis maanta gacanta ku soo celiyay. Sanadkan 2025 wuu ka duwan yahay sanadkii 2005tii markii Puntland oggolaatay in maamulka Somaliland ciidammadiisu sii joogaan Adhicaddeeye kaddib dagaalkii 2004tii. Puntland waay bixisay taageero hagar la’aan ah markii dadka SSCK u istaageen inay cagta mariyaan horgalayaasha iyo kuwa maalgalinayay – goosasho-doonka la magacbaxay Somaliland.
2022kii dhul badan oo Puntland ka mid ah waxaa gacanta ku hayay goosasho-doonka diiddan qarannimada Soomaalida iyo argaggixiso (Daacish) isu diyaarinaysay inay 10,000 oo shisheeye dalka soo geliyaan si ay iskugu fidiyaan Puntland. Dagaalkkii Laascaanood, oo lagu xusuusto Goojacadde, wuxuu sababy isbeddello ku dhacay isbahaysiyo siyaasadeed ka jiray Soomaaliya. Muuse Buuxi, oo doonayay inuu jabkii Goojacadde meel kaga dhuunto, ayaa isku dayay inuu bad ka kireeyo Itoobiya isagoo ku doodayay in heshiisyadii hore uu la saxiixday dowladda federaalka Soomaaliya ay u bannaynayaan inuu sida dal madaxbannaan u dhaqmo. Jabuuti waxaa soo foodsaartay halis ahayd in Itoobiya deked ay kaga maaranto Jabuuti ka samaysan karto Lughaya. Dowladda federaalka, oo ka naxday heshiiskii Biixi iyo Abiy, waxay la gashay ka badan 8 dal heshiis difaac; waxay sidoo kale kheyraadka dalka si aan ka fiirsasho lahayn ugu wareejisay Turkiga oo aan lahayn taariikh shidaal baaris ama dhowrista heshiisyo caalami ah.
Hadda dagaalka Puntland ay ku qaadday fariisinnada Daacish wuxuu beesha caalamka tusay in Soomaaliya iska caabbin karto argagixisada abaabulan haddii la helo hoggaan siyaasadeed oo soo afjari kara ku tiirsanaanta ciidammo nabad ilaalin ah. Maanta Madaxweyne Deni wax weyn buu ka beddelay siyaasadda Geeska Afrika. Isdifaaca Puntland raad weyn ayuu ku reebay siyaasadda Soomaalida, si la mid ah sida Puntland ay saameyn weyn ugu yeelatay habka federaalka oo maanta god ku dhacay. Awoodda siyaasadda ayaa ku ururtay fulinta, halka laba aqal noqdeen aalad ay dowladda federaalku ku adeegato.
Eedda in habka federaalku fashilmo Puntland ayaa wax ku leh. Sanadkii 2012kii Puntland kama baaraandegin go’aammadii ay ugu ololaysay in dalka laga saaro ku meelgaarka. Natiijadu waxay noqotay in maamulka goosasho-doonka ee Somaliland si gaar ah loola dhaqmo, taasoo halis gelisay qarannimada Soomaaliya, iyo in Puntland, oo ka kooban lix gobol, ay la awood noqoto maamullo ka kooban wax ka yar laba gobol ama aan lahayn waaya-aragnimada ismaamul ee Puntland.
Maanta Deni waxaa la gudboon inuu wadatashi iskugu yeero dadka Puntland wada dhistay una sheego in dhulka Puntland uusan hadda kaddib noqon doonin mid argaggixiso qabsato ama mid goosasho-doon sheegato. Hoggaaminta uu Madaxweyne Deni muujiyay si loo difaaco Puntland waa mid aan la qarin karin ama ceeb loo yeeli karin. Ololaha Puntland kula dagaallamayso Daacish wuxuu bannaanka soo dhigay qorshayaasha ururka argaggixisada iyo kuwa danta u arkayay in qaybo ka mid ah Puntland noqoto dhul argaggixiso ama goosasho-doon ka taliyaan. Dadka Puntland waxay ku ammaannan yihiin sida ay isku dhinac istaageen maamulka Puntland oo u istaagay inuu ka ilaaliyo qarannimada argaggixisada isu soo bahaysatay iyagoo magacyo kala duwan la baxay. Inkastoo Puntland u guntatay inay kaalin mug leh ka qaadato dib u yagleelista qarannimada Soomaaliya, waxaa lagama-maarmaan noqotay inay ku keli noqoto iska difaaca halisaha argaggixisada iyo goosasho-doonka. Puntland ma aha igu soo carar.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.