
Duqa Caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa xalay qaabiley wiil yar oo u dhashay dalka Yemen, kaasi oo uu shalay suuqa magaalada Garoowe ku jirdilay nin ku lebbisnaa tuutaha ciidamada Puntland, oo waardiye ka ahaa goob ganacsi.
Guddoomiye Geeddi oo qaabiley Maxamed Caadil Xuseen iyo aabbihiis Caadil Xuseen ayaa wiilka yar iyo aabbihiis ka xaal-mariyay dhibaatadii gaartay, waxaana uu sheegay in xabsiga loo taxaabay eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur Faarax oo mas’uul ka ahaa jirdilka wiilkaasi yar, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale, Taliska Ciidanka Booliska oo xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur ayaa sheegay in baaritaanka hordhaca ah oo ay sameeyeeen uu caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga, Sidaas darteed waxay sheegeen in uu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar.
“Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garoowe” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Booliska.
Xafiiska Xuquuqda Insaanka u qaabilsan dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale bogaadiyay Tallaabada uu qaaday Booliska ee xabsiga lagu dhigay shakhsigii ku xad-gudbay ilmaha yar, waxaana Xafiisku sheegay in uu Qoyska Reer Caadil Xuseen kala shaqeynayo sidii ay caddaalad u heli lahaayeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.