Sirdoonka Soomaaliya oo warbixin ka soo saaray hawlgal lagu laayay mileeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay nawaaxiga degaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay NISA.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale, la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.”

“Howlgalkan, oo labo mar oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha ilaa 16 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay go’doon ku ahaa dhul hawd ah oo u dhaw deegaanka Basro” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA.

NISA ayaa sheegtay in ay sii wadayso Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuumanayaan kooxaha argagixisada ah”Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa weli sii wada howlgallada lagu beegsanayo goob kasta oo ay ku dhuumanayaan Argagixisada.”

PUNTLAND POST