Puntland oo mudda 11 cisho Jaadka ka joojisay Ciidamada ku sugan furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad

Amar ka soo baxay Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi ayuu ku joojiyay in mudda 11 cisho ah Jaadka la keeno furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ciidamada difaaca Puntland ka wadaan wejiga saddexaad ee hawlgalka cirib-tirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in sababo amni-dartood loo joojiyay keenista Jaadka furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad oo ay ciidamada difaaca Puntland ka wadaan wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah dagaallamayaasha Argagixisada Daacish.

“Waxaa lafarayaa dhamaan madaxyada kor kuxusan in laga bilaabo 11.03.2025 ilaa 21.03.2025 amar kasoo baxay taliska ciidanka hawlgalka hilaac in lajoojiyay keenista qaadka fadhiyada kala duwan ee ciidamada qaybta ka ah hawlgalka hilaac sababo amni darted hadaba cidii jabisa awaamiirtaas kasoo baxday taliska hawlgalka hilaac waxa ay lakulmaysaa ciqaab iyo ganaaxyo kala duwan” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

PUNTLAND POST