Puntland oo baaq nabadeed ka soo saartay colaad beeleed ka taagan duleedka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleed ka taagan degaanka Dureera oo ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka diro baaq nabadeed oo ku saabsan colaadda beelaha walaalaha ee ka soo cusboonaatay degaanka Dureera ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Runtii halkaasi maanta dagaal aad u fool-xun baa ka dhacay, waana nasiib-darro weyn in dad walaalo ah oo ehel ah ay islaayaan maanta.”

“Waxaan dadkaasi walaalaha ugu baaqaya in colaaddaasi la joojiyo gebi ahaanba oo colaaddaasi foosha-xunna aysan dib u soo noqon. Colaad iyo dhiig walaalkaa, waxaa laga dhaxlaa burbur iyo cadaab aakhiro wax wanaag ahna kuma yimaado colaad walaal waa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waa in colaadda la joojiyaa oo ilaahay laga cabsadaa” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku dhintay colaadda halkaasi ka taagan, waxaana uu ilaahay caafimaad u weydiiyay inta ku dhaawacantahay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay dhibkaasi dhacay” waxaan aad uga xumahay oo ka tacsiyaynayaa dadkii halkaasi ku dhintay kuwii ku dhaawacmayna in ilaahay caafiyo.”

Odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha gobolka Sanaag ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu istaagaan joojinta colaadda labada beelood ee ku dagaallamay Dureera, si aysan dhib danbe u dhicin oo nabaddu gacanta uga bixin.

PUNTLAND POST