Duqeyn xalay ka dhacday buuraha Calmiskaad oo la sheegay in waxyeello ka soo gaartay qoys reer miyi ah

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ay fulisay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan dagaallamayaal ka tirsan Firxadkii Argagixisada ISIS.

Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska dowladda Puntland u qaabilsan Faafinta warar dagaalka Calmiskaad ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday Miiraale ay fuliyeen saaxibada Puntland ee Imaaraadka Carabta, islamarkaana lagu beegsaday firxadkii dagaallamayaasha ISIS oo isku urursanayay togga Miiraale, kaddib markii horay loogu jebiyay togga Jeceel.

Dhinaca kale, suxufiyiin iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa soo werinaya in qoys reer miyi ah waxyeello ka soo gaartay duqeyntii diyaaradeed ee ay xalay dowladda Imaaraadka Carabtu ka fulisay togga Miiraale, halkaasi oo ay Puntland sheegtay in lagu beegsaday dagaallamayaal kamid ah firxadkii Argagixisada IS oo is urursanayay.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 9 qof oo reer miyi ah ay ku dhinteen duqeyntaasi, halka tiro kalena ku dhaawacmeen, kaddib markii togga Miiraale lagu beegsaday qoys reer miyi ah, waxaana ay intaasi raaciyeen in aysan dhaawacyadu deg deg u heli karin gurmad caafimaad, maadaama aysan dhulkaasi gaadiidku geli karin.

PUNTLAND POST