
Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in ay maanta u fadhisato dhegeysiga kiiska loo haysto macallin, Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere) oo mudda laba todobaad ah ku xiran Garoowe, kaddib markii ay soo xireen ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo dhawaan qoraal soo saaray ayaa sheegay in macallin Cabdiqaadir Dheer uu ku eedaysan yahay mooral-gelin argagixiso, islamarkaana uu baaritaan ku socdo, inkastoo aysan qoraalkooda ku caddayn waxay ula jeedaan “mooral-gelin argagixiso” waxayse bulshada ugu baaqeen in aysan ka hordhicin baaritaanka kiiska macallinka.
Bahda macallimiinta Gobolka Nugaal oo dhawaan ka hadlay xarigga macallin Cabdiqaadir ayaa ka dalbaday laamaha amniga in uu caddaalad helo muwaadinkaasi, oo ay maxkamad u gudbiyaan kiiskiisa, waxaana ay sheegeen in ay Cabdiqaadir ku yaqaanan shakhsi aad uga fog fikirka kooxaha Argagixisada ah, oo ay Booliska ku eedeeyeen.
Ugu danbayn, maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee gobolka Nugaal ayaa laga sugaya in ay go’aan ka gaarto kiiska macallin Cabdiqaadir, oo ay Booliska Puntland ku eedeeyeen in uu mooral-gelin u sameeyay kooxaha Argagixisada, balse aysan soo bandhigin wax caddaynaya in uu xiriir la lee yahay kooxahaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.