Ciidamada Puntland oo saaka keyd rasaas iyo saanad ciidan ah ka helay nawaaxiga degaanka Dhaadaar ee degmada Qandala

Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal amni ka sameeyay nawaaxiga degaanka Dhaadaar ee degmada Qandala ayaa helay keyd rasaas iyo saanad ciidan ah, oo ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka Dhaadaar ayaa sheegay in ciidamada oo saaka hawlgal ka sameeyay nawaaxiga degaankaasi ay heleen helay keyd rasaas iyo saanad ciidan ah, oo ay ka firxadeen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.

Ururka 19aad ee ciidamada Daraawiishta Puntland oo hawlgalkaasi ka sameeyay halka lagu magacaabo Lugta Garaar oo ka tirsan degaanka Dhaadaar ayaa gacanta ku dhigay rasaasta iyo saanadda ciidan oo ku keydsanaa god halkaasi ku yaalla, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada oo weli ku gudaha jira wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ISIS ayaa sidoo kale saaka hawlgallo ay ku baadi-goobayaan firxadka Argagixisada ISIS waxay ka sameeyeen dhammaan degaannada hoos yimaada Dhaadaar.

PUNTLAND POST