Madaxweyne Deni: Intaan xilka hayo dayac danbe kuma imaan doono Amniga Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay qaar kamid ah, cuqaasha, waxgaradka iyo isimada beelaha kala duwan ee kunool gobolka Bari, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee gobolka iyo dagaalka ciribtirka Daacish.

Madaxweyne Deni, wuxuu uga mahadceliyey dhammaan bulshada Puntland gaar ahaan gobolka Bari doorkii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna balan qaaday inuusan khasaari doonin dhiigga askarta Puntland ee u shahiidaya difaaca dalka iyo dadka.

“ Dhiiga shuhaadada Puntland meel cidlo ah dhici maayo, Insha’allaah magaalooyinka Puntland ayaa laga arki doonnaa, Allaah ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawacantayna Allah ha u booga dhayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland oo garawsaday in uu jirey dayac ammaan oo Puntland ka dhacay ayaa balanqaaday in muddada uu xafiiska joogo uu balan qaadayo in uusan cidna uga haybaysan amniga iyo kala dambaynta Puntland, wuxuuna digniin u diray cidkasta oo arrintaasi dib isugu dayi doonta.

“Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”, Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST