Dr. Guuleed Saalax oo Madaxweyne Siciid Deni ka dalbaday in uu cafis weydiisto Shacabka Puntland

Dr. Guuleed Saalax Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay in markii u horraysay Madaxweyne Deni uu qirtay dayacii amni ee Puntland ku dhacay intii uu xilla hayay “Waa soodhoweynayaa in MW Siciid Deni qirtay dayicii amni ee aadka u waynaa muddadii uu xilka hayay”ayuu yiri Guuleed Saalax.

“Masuuliyad la dayaco tii ugu waynayd ayay ahayd in cadaw shisheeye u badan saldhigto Puntland uuna ku dhexdiyaarsado hub ay gantaalo ka mid yihiin si shacabka ay ugu gumaadaan, ALLE ayaa naga qabtay, ka sokowna geesiyaasha ciidamada difaaca Puntland. Inkastoo aad qiratay dayacaas dhacay, dadka aad masuuyidadooda dayacday adna cafis waydiiso.”

“Dayacaas wayn waxaa keenay oo ugu wayni waa colaadihii gudaha ee ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe ee xukunboobka aad ku rabtay iyo damicii Xamar ee aad waqtiga, maskaxda, xoolaha iyo xildhibaanada gelisay, hal subaxna aad cidlo ugasoo dhaqaaqday waxna aan la iska waydiin. Damacyadii dayacaas keenay walina kaa muuqda meel iska dhig oo mudnaanta Puntland sii muddada xilkaaga ka hartay, yaysan ka noqon muddo xileed kale oo dayacyo horleh Puntland u horseeda” ayuu sii raaciyay Dr. Guuleed.

Wuxuu sidoo kale Bulshada Reer Puntland ugu baaqay in la barto oo la dhaqanageliyo isla xisaabtanka, si aysan u dhicin dayac danbe iyo adeeg xumada degaanka ka jirta, taasi oo aan dhacdeen haddii cidda masuuliyadda loo igmaday lagula xisaabtami lahaa.

PUNTLAND POST