Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan jiidda Buqdharkayn oo ay shalay ku dagaallameen Somaliland iyo SSC-khaatumo

Xiisad dagaal oo xooggan ayaa saaka oo Sabti ah ka aloosan jiidda Buqdharkayn ee galbeedka gobolka Sool, halkaasi oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Gurmadyo ciidan  oo aan kala joogsi lahayn ayaa tan iyo fiidnimadii xalay ku biiray ciidamada labada dhinac ee shalay ku dagallamay welina isku horfadhiya jiidda Buqdharkayn, kuwaasi oo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-khaatumo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkii shalay Buqdharkayn ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 80 qof inkastoo SSC-khaatumo iyo Somaliland midna aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha dagaalkaasi.

Balse, SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa mid kasta kan kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday, haddana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheeegashada labada dhinac.

PUNTLAND POST