
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa si adag uga jawaaabay digniinta amni ee dhawaan ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taasi oo ka digaysay Weerarro Argagixiso oo ka dhici karaa Muqdisho.
“Dadka Soomaaliyeed waa in ay xiskooda kulmiyaan, oo ay arkaan is-baheysiga Borobagaandhada ku saabsan oo Ciidan ahaan markii naloo jebin waayay in borobagaandho iyo af in ay nagu jebiyaan oo dadkeenna borobagaandho in loo tuso oo la yiraahdo waa la hoogay oo waa la ba’ay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay digniintii amni ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa maalmo ka hor soo saartay digniin amni oo degdeg ah, oo ku saleysan xog sirdoon oo la isku halleyn karo oo muujinaysa weerarro dhowaan dhici kara oo lala beegsanayo goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Muqdisho.
Meelaha la beegsan karo waxaa ka mid ah, sida ay safaaraddu sheegtay; Garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda iyo kuwa milatariga, hoteellada, maqaayadaha, iyo xarumaha ganacsiga, goobaha ay ku badan yihiin dadka reer Galbeedka, kolonyo ay leeyihiin dowladda, milatariga, iyo safaaradaha shisheeye.
Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Xasan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.