Dowladda Itoobiya oo Ciidamo tiro badan ku soo daabushay gudaha Soomaaliya

Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Militariga Itoobiya, kuwaasi oo ku wajahan qaar kamid ah Gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo gaaray Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Feerfeer, sida laga soo xigtay Warbaahinta Amhara News.

Ciidamadan Itoobiya oo ku gaashaaman gaadiid fara badan iyo Hubka culus ayaa la filayaa in la geeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan guluf dagaal oo ka dhan ah dagaallamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday degaanada Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan, diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa sidoo kale duqeymo culus oo lagu beegsaday Al-shabaab waxay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe kaddib Codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST