Dagaal ka dhex qarxay Ciidamo taabacsan Bashaar Al-Asad iyo Ciidamada Ammaanka Suuriya

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegtay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof.

Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore.

Subaxnimadii Jimcihii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-asad.

PUNTLAND POST