
Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo War soo saaray ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL, oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, si ay u caddeeyaan in ay isaga baxeen Kooxdaasi.
Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, islamarkaana ay Boolisku gacanta ku soo dhigayaan, si sharciga loo horgeeyo.
G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale ay baaritaan ku wadaan eedaysanayaal kala duwan oo loo haysto kiisas ku saabsan Argagixisada, balse aysan weli wax ku caddaan, waxaana uu intaasi ku daray in baaritaanka kaddib maxkamad loo gudbin cid kasta, oo ay ku caddaato in ay xiriir la lee dahay kooxaha Argagixisada ah.
Af-hayeenka ayaa dadweynaha Puntland uga digay in ay ka hordhacaan kiisaska ku saabsan eedaysanayaasha loo haysto falalka argagixiso ee baaritaanka lagu hayo, kuwaasi oo natiijada baaritaankooda ay soo gudbin doonaan hay’adaha Amniga, si loo mariyo hannaanka Caddaaladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.