Maamulka SSC-khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay in ay Weerar ku soo qaaday Ciidamadooda fadhiya Jiidda Buqdharkayn

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uu Maanta oo Jimce ah Weerar ku soo qaaday Ciidamada Difaaca SSC ee Fadhigoodu yahay Jiidda Buqdharkayn ee Gobolka Sool.

“Buqdharkayn Saacaddu markay ahayd Abaaro 10:00-kii subaxnimo, ayna tahay bil-ramadaan wuxuu Maamulka gooni-goosata ah ee Somaliland weerar iyo duulaan kusoo qaadeen fadhiisimooyinka Ciidamadda difaaca Maamulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo.

“Waxaa bogaadin mudan sida geesinimadda iyo naf-hurka leh ee Ciidamada dhiiranayaasha Maamulkeena ay mar walba u beeninayaan damac walba oo qar iska tuurnimo ah oo ka yimaada gooni goosatada. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Bulshada SSC-KH inay Ilaashadaan dhulkooda, Garab iyo taageerana la bar-bar joogaan Ciidankooda” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale ku wargeliyay Beesha Caalamka in Somaliland tahay midda diiddan Nabadda iyo Xasiloonida “Waxaan Beesha caalamka iyo Ummada Soomaaliyeedba u sheegaynaa in Maamulka gooni goosatada Soomaaliland u yahay mid ka dheer xasillooonida kana caagan nabadda geeska.”

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland weli kama hadal eedeynta uga timid deriskooda Khaatumo oo ku saabsan in ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamada SSC ee fadhiya Jiidda Buqdharkayn iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay Khasaaraha Dagaalka labada dhinac.

PUNTLAND POST