
In ka badan 500 oo qof oo isugu jira shaqaale-sare, hawl-wadeeno, shaqaale hoose, gadiidley iyo xirfadlayaal kala duwan ayaa tan iyo bishii December ee sannadkii hore laga fasaxay shaqooyinkoodii ka dib markii hay’adihii ay u shaqaynayeen ay u waayeen dhaqaale ay mushahar ahaan u siiyaan maadaama mashaariicdii joogsantay.
Xafiisyadii hay’adaha ee qaar kamid ah Gobollada Puntland ayaa la qorshaynayaa in la xiro bartamaha sannadkani, kaddib markii hay’aduhu kiradii iska-bixin waayeen. sidoo kale xafiisyo 20 qof ka shaqayn-jireen ayaa 5 qof keli ah hadda joogta hay’adaha qaar sida la xaqiijiyay.
Xaaladda ayaa kasii dartay labadii bilood ee lasoo dhaafay oo la fasaxay shaqaalihii ugu badnaa, ka dib markii hay’ada USAID ay dowlada maraykanku ka jartay dhaqaalihii ay siin-jirtey. taas oo badi mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadanimo taageeri-jirtay.
Hay’adaha Puntland fadhigoodu yahay horay waxay u waayeen mashaariicdii ay fulin jireen qaarkood, kuwaas oo u xanibmay khilaafka DFS iyo Puntland u dhaxeeya.
Shaqa la’aanta dadkaan soo wajahday ayaa saamayn doonta kumanaan qof oo si dad badan ugu tiirsanaa wax-soosaarkooda. sidoo kale mashaariicdaan waxaa macaash ka heli-jirey boqolaal ganacsi oo kale oo iyagu dhaqaale xuma wajihi-doona.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.