Colaad beeleed oo ka aloosan miyiga u dhexeeya degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug

Colaad u dhexaysa laba beelood ayaa maalmahan ka taagan degaanka Buq-qallooc oo u dhaw degmada Towfiiq ee bariga gobolka Mudug kaddib markii uu shalay halkaasi ka dhacay dagaal beeleed culus.

Dagaalkaasi oo u dhexeeya laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa shalay sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo kale waxaana weli taagan xiisadda dagaalkaasi oo marar kala duwan soo noq noqday islamarkaana aan weli xal dhammaystiran laga gaarin.

PUNTLAND POST