
Ciidanka Booliska Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex eedaysane oo loo haysto falal la xiriira mooral-gelin iyo taageero ay u muujiyeem kooxaha Argagixisada ah.
Saddexda eedaysane oo magacyadoodu yihiin macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), Caamir Cabdi Muuse Cabdi iyo Fahad Maxamed Abshir ayuu Booliska Puntland ku soo eedeeyay mooral-gelin iyo taageero-siin ay u muujiyeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.
“Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Ciidanka Booliska Puntland.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan saddexdani eedaysane waxayna bulshada uga digeen faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.
“Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayuu sii raaciyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland oo bulshada uga digayay marin-habaabinta kiiska saddexdaasi eedaysane.
Sida Ciidanka Boolisku sheegay Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto”Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.