
Dadka degaannada Tasjiic iyo Xabley ee gobolka Bari oo is xilqaamay ayaa taageero xooggan u muujiyay ciidamada difaaca Puntland ee firxadka Argagixisada ISIL ku baacsanaya buuraha Calmiskaad.
Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Xable iyo Tasjiic, oo ay weheliyaan xildhibaanada laga soo doorto degaannadaasi ayaa booqday ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda Dhaban-qooxle, halkaasi oo ciidamadu weli ku baacsanayaan firxadka Argagixisada ISIL ee ka fiigay jabkii mileeshiyaadkooda ka raacay hawlgalkii togga Jeceel.
Odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Xabley iyo Tasjiic, oo kaashanaya shacabka degaannadaasi ayaa sidoo kale ciidamada gaarsiisay taakulo nooc walba leh, oo ay ciidamada ku garab istaageen, waxaana Taakulada kala wareegay saraakiisha ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliye Dhakuul Beyre.
“Wax walba oo aad nooga baahan tihiin diyaar baan idiinla nahay, xitaa hadda dhehdaan furimaha nala jooga oo nagu hoggaamiya goobaha dagaalka waa joogaynaa”, ayay odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannadaasi u sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca dowladda.
Sidoo kale, saraakiisha oo Warbaahinta la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay isgarab taagga ay u muujiyeen bulshada iyo waxgaradka degaannada Xabley iyo Tasjiic, waxaana ay uga mahadceliyeen Taakulada kala duwan ee ay soo gaarsiiyeen ciidamada hawlgalka ku jira.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.