Puntland oo ku dhawaaqday in ay Cafiskii Madaxweyne ka faa’idaysteen Soomaalidii la shaqaynaysay Argagixisada Daacish

Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay xiriir la soo sameeyeen dad la shaqaynayay dagaallamayaasha ISIL oo ka faa’idaystay Cafiskii Madaxweyne Deni islamarkaana ka soo laabtay fikirkii qaldanaa ee Argagixisada..

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska La-daggaallanka Argagixisada u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in ay dowladda xiriir la soo sameeyeen dad la shaqaynayay dagaallamayaasha ISIL oo ka faa’idaystay cafis uu horay ugu dhawaaqay madaxweyne Deni cid kasta oo iska soo dhiibta Argagixisada ISIL mudda 7 cisho ah.

“Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’ideystay 7-da cisho ee fursada Cafis ee  Madaxweynuhu u fidiyey cidkasta oo la shaqeynaysay Argagixisada Daacish ee kasoo laabanaysa fekerkaasi, waxaa sidoo kale aan boggaadinaynaa xubnaha dadkaasi ku metela Dowladda iyo waxgaradkooda oo u fududeeyay fursadan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay weli fursad haystaan cid kasta oo ka soo baxaysa fikirka Argagixisada ISIL maadaama aysan weli dhammaan mudadii loo qabtay ee 7 cisho ahayd”Dadka intii kale ee aan xiriir soo sameyn fursadu weli waa u furantahay wakhtiga  ka harsan, Asbuucii lasiiyey ee loo qabtay” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

“Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waa mid soconaya illaa guud ahaan Puntland oo dhan laga ciribtiro Argagixisada, waxaan u mahadcelinaynaa Shacabkeenna  si walbo u garab taagan Ciidanka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee soo gudbinaya firxadka Argagixisada iyo cidkasta oo ay ka shakiyaan” ayuu ku sii daray Warsaxaafadeedka Puntland.

PUNTLAND POST