
Mileeshiyaad gadoodsan oo xalay saqdii dambe la wareegay Xarumaha shirkadda Golis ee ku yaalla degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa jaray xargaha Internertka u kala gudbiya gobaladda Nugaal iyo Mudug.
Wararka ayaa sheegaya tallaabadaasi sababtay in khadka Internertka ee shirkadda Golis uu saacado badan ka maqnaado degmooyinka ay ka mid yihiin Burtinle, Gaalkacyo, Xarfo, Galdogob iyo Bursaalax.
Dhawaan ayay hayd markii sidaan oo kale ay mileeshiyaad la wareegeen Dugsiga sare ee degmada Burtinle, ka dib markii ay bulshada degmada qaarkood diideen maamule ay wasaaradda waxbarashada Puntland u magacawday schoolka, waxaana la sheegay in Xariir ka dhexeeyo khilaafka Iskuulka iyo arinta shirkadda Golis lagu beegsaday,
Maahan markii ugu horaysay ee la beegsado shirkadaha is-gaarsiinta Puntland, balse marar kala duwan ayay la kulmeen weeraro ugu yimaadda Mileeshiyaad, taasi oo dhibaato ku keenta shacabka Puntland oo si weyn ugu tiirsan shirkadaha Isgaarsiinta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.