
Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay halganka iyo dagaalka ay dowladda iyo shacabka Puntland kula jiraan kooxda Daacish.
Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayey ciidamo iskudhaf ah oo dagaal kula jira Alshabaab ayaa tusaale u soo qaatay dagaalka ay reer Puntland kula jiraan Daacish iyo isku duubnida ay dagaalka argagixisada ka muujiyeen xukuumadda, ciidamada iyo dhammaan shacabka Puntland.
Waxa uu ugu baaqay dhammaan maamulada iyo bulshooyinka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoo sheegay in laga guulaysan doono dhammaan kooxaha isku soo bahaystay dhibaataynta umadda Soomaaliyeed.
“Waxaan rabnaa Soomaaliyeey in dagaalka argagixisada loo midoobo, bogcad gaar ah ama cid gaar ah oo ay u socdaan majirto ee meelkastoo ay tagaan inay qofka Soomaaliyeed hantidiisa dhacaan oo ku dilaan ayey rabaan dhaqan iyo diinna ma wadaan, ka soo bilow Cal-miskaad iyo reer Puntland aadbayna ugu mahadsan yihiin dadka iyo maamulkuba siday ula dirireen waana ka guulaysanayaan”, Ayuu yiri Shuute.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.