Hoobiyaal lagu weeraray garoonka Muqdisho xilli uu ka dagayay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa saaka oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka hor inta aysan soo caga-dhigan diyaaradda siday Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxaa la maqlay hoobiyaal ku soo dhacay nawaaxiga garoonka, waxaana is qabsaday dhawaqa digiinta bixiya, sida ay sheegeen Suxufiyiintii ku sugnaa garoonka, inkasoo aysan laamaha amniga wax war ah ka soo saarin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Ethiopia, Abiy Ahmed, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyin badan ayaa la xiray, iyadoo duulimaadyada la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo qeybo ka mid ah kuwa dibadda, marka laga reebo diyaaradaha Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

PUNTLAND POST