
Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel.
Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa xaqiijiyay in saaka Ciidamada dowladdu la wareegeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobihii ay u soo carareen firxadka mileeshiyaadka ISIS ee ku soo jabay dagaalkii lagaga saaray togga Jeceel.
“Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.