Ciidamada Puntland oo buuraha Xabley ku baacsanaya firxadkii mileeshiyaadka Daacish

Deryanka Rasaas laba dhinac ah ayaa saaka laga maqlayaa buuraha degaanka Xabley ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamo ka tirsan difaaca Puntland ka baadi-goobayaan firxadka dagaallamayaashii ISIS ee baxsadka ah.

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmahan hawlgal ay ku raadinayaan firxadka mileeshiyaadka ISIS ka wada degaanka Xabley ayaa sida wararku sheegayaan waxay saaka baacsanayaan xubno kamid ah kooxda oo buurahaasi u soo baxsaday kaddib jabkii kaga dhacay togga Jeceel.

Dhinaca kale ciidamada Puntland oo shalay gaaray degaanka Dhaadhaar ee buuraha Calmiskaad ayaa saaka hawlgal miino-baar iyo sahamin ah ka sameeyay degaannada ku xeeran Dhaadaar waxaana sahanka ciidamadu u sii gudbay dhinaca Dhasaan oo ay maanta ku wajahan yihiin.

PUNTLAND POST