Ciidamada difaaca Puntland oo si nabad ah ula wareegay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala

Sawirkani waa (Dhaadaar)

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, oo saaka ka dhaqaaqay tuulada Dhaadaar ayaa sahamin iyo miino-baar kaddib si nabad ah ula wareegay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala, oo uu ku eg yahay wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada ISIS.

Qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaaminaya dagaalka oo hadda ku sugan Dhasaan ayaa sheegaya in aysan wax iska caabin ah kaga imaan mileeshaadkii Daacish oo mudda sannado ah ka talinayay degaanka, kaddib markii ay isaga carareen saacado ka hor intaan ciidanku gaarin.

Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay sidoo kale sheegeen in uu weli baaritaan amni ka socdo gudaha degaanka Dhasaan, gaar ahaanna saldhigyadii ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS, kuwaasi oo hubin kaddib la soo bandhigi doono wixii loogu tegey.

Qabashada degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ayaa ka dhigan in uu dhammaystirmay wejiga labaad ee dagaalka cirib-tirka mileeshiyaadka Daacish, iyadoo loo gudbi doono wejiga saddexaad ee sifaynta firxadka iyo haraadika kooxda ee ka baxsaday gacanta ciidamada.

PUNTLAND POST