Taliska Ciidamada Puntland oo faahfaahin ka bixiyay qabashada degaanka Dhaadaar ee degmada Qandala

Taliyaha ciidamada Puntland

Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo warbixin kooban soo saaray ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ay maanta la wareegeen degaanka Dhaadaar oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna Hawlgalka Suulinta Argagixisada ayuu ku shaaciyay in ciidamadu la wareegeen degaanka Dhaadhaar, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen mileeshiyaadkii jabay ee Argagixisada Daacish oo mudda sannado ah ka talinayay degaankaasi.

Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo faahfaahin ka bixiyay qabashada degaanka dhaadhaar ayaa sheegay in ay halkaasi ka heleen rasaas kooban iyo agab kale, oo ay ku jiraan dawooyin iyo cunto qallalan kuwaasi, oo ay ka carareen dagaallamayaashii firxaday ee Daacish.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Dhadaar, waxa la qabtay Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan oo ay ka carareen Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo amni ka sameeyeen inta u dhexeysa Dhaadaar iyo Sheebaab” ayaa lagu yiri qoraalka Ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ka sameeyay nawaaxiga Xabley iyo Tasjiic ayaa gaaray degaannada Xalxal iyo Dul&Darayle, kaddib markii aaggaasi lagu sheegay xubno kamid ah firxadkii Argagixisada oo baxsad ah, sida uu tilmaamay Taliska Ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST