Dowladda Puntland oo ka warbixisay duqeyn Caawa ka dhacday degaanka Miraale

Duqeyn diyaaradeed oo Caawa ka dhacday  degaanka Miraale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ayaa lagu beegsaday dagaallamayaal kamid ah Argagixisada ISIS oo isku urursanayay degaankaasi, sida ay xaqiijisay dowladda Puntland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed, oo ay Caawa fulisay dowladda Imaaraatiga Carbeed, islamarkaana ka dhacday degaanka Miraale in lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaaadka ISIS.

“Duqeyn ka dhacday deegaanka Miraale – Calmiskaad, waxaa lagu dilay 25 xubnood oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish oo is urursanayey, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.

Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta (UAE) oo kamid ah Saaxiibada dowladda Puntland ka taageeraya Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa tan iyo intii uu dagaalkani bilowday duqeymo kala duwan la beegsaday xubno kamid dagaallamayaasha ISIS.

PUNTLAND POST