Ciidamada difaaca Puntland oo saaka u ruqaansaday jiidda Dhasaan ee degmada Qandala

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo dhammaystiraya wejiga labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ayaa mar kale saaka dhawr jiho kaga ruqaansaday jiidda Dhasaan ee degmada Qandala.

Ciidamada oo markii u horraysay u baxay dhul ka dabacsan buurihii adkaa ee uu horay uga socday hawlgalka ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda Argagixisada ka sifeeyaan degaanno ay ku jiraan Af-cad, Xankookib iyo Dhasaan, halkaasi oo uu ku eg yahay wejiga labaad ee dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in durba hadda ciidamadu gaareen degaannada qaar islamarkaana aysan weli la kulmin wax iska caabin ah taasi oo muujinaysa jabka iyo kala firxadka ku dhacay dagaallamayaashii Argagixisada ISIS oo habqankoodii ciidamadu daba joogaan.

PUNTLAND POST