
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa markii u horraysay shaaciyay farsamo sirdoon oo ajaanibta Carbeed ee ISIS u fududaysay in ay soo galaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiir Maxamuud Caydiid oo sharraxaad ka bixiyay farsamada sirdoon dagaallamayaasha carbeed ku soo galeen buuraha Calmiskaad, si ay ugu biiraan Argagixisada ISIS ayaa sheegay intooda badan in ay ku soo dhuunteen Qaxootiga Yemen ee dalkooda uga soo cararay colaadda sokeeye ee ka aloosan halkaasi.
“Inta badan dagaallamayaasha Argagixisada Daacish waxay Puntland ku soo galeen farsamo Qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday Qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kaddibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa tilmaamay sidoo kale in ay jiraan qaar kamid ah dagaallamayaasha ISIS oo isu ekeysiiyay dalxiisayaal, si aan loo fahmin, islamarkaana soo maray dalka Itoobiya, waxaana uu kuwaasi ka xusay mid u dhashay dalka Sacuudiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.